Kulis Ka habee
@qalas98
854
friends
..... Joogaaga dheeriyo Xubnahaagan jalaqsan Jaleecada kalgacalka leh Jaahaaga quruxda leh Timahaagan jiifee Miskahaaga jooga Dhexda taago lagu jaray Jaahaagan xariirta ah Jaadsamida codkaagiyo Qosolkaagan jilicsan Jaanqaadka socodkiyo Jiid jiidka laafyaha Kaama jeesan jarayoo Waan kugu jibooodaa Ifka intaan ku noolaa Indhaheeygu may qaban Asluubta iyo xishoodkiyo Itaal qurux dhamaan Inan loo dhameeyo Eebe hibo u siiyay Erayada maansadee Amaanta iyo tilmaamaha Afka aan ku heeyn jiray Isku aadin waayay Uurkeeygaad ku baahdoo Indhaaad ku maran tee Eegmo kuma dhameen karo Iftiinkii qoraxdiyo Dayax afar iyo tobnaad Adigaa ka nuur badan Arwaaxii nafteeydaay iftiinkii nolosheeydaay Aayahii mustaqbalka Ifka intaan ku noolaay Kaa ooli mayo Markastana agtaadaan Ahaye ogsoonow!!!!!!! Gabadhaan habayn seexadkii, diiday sababkeeda, Gabadhaan sadkii uga go'ee, siiyay fikirkaygi, Gabadhaan saqdii dhexe cidlada, socod u guureeyay, , Gabdhii jacayl saami badan, igu salaamaysay, Ee dartay u soontee wadnuhu, si u garaacaayay, Waa ina suldaan hooyadeed, laysku soo sigaye, Sarajoogsigeediyo xibnaha, siman itaalkeeda, Hablahay la socotaba indhuhu, kuma sifaadaane, Lama soo sinaadaan haday, kabo sitaan dheere, Sida dayax xidigo seexshay bay, oga sareysaaye, Saxansaxada roobkee ka timid, sagal daruureedka, Malab saafi loo miirayoo, soo da'aa tahaye, Saymo qaansaroobaad ku xiran, samada baarkeeda, Daa'uuska baalaha sidkoo, seexshay lagu moodye, Quruxdaada saamiga lehee, lagu sarqaamaayo, Hablo tan u saraysee xubnaha, loo saxaa tahaye, Haddii dumar asluubiyo Dabci fiican leeyahay Dulqaad tii u dhalataay Dadnimadiyo sharafta duco waalidkeyd Tii loogu daraay Daacadnimo waxaa hela Danahooda taam noqon Duulkii Illaah iyo Diintiisa caabuda Dariiqii rasuulkana scw Aan dacalka dhaafine Waxaa ugu danleeyhay Waa maalmo duniduye Dumar taan ka doortaay Ila garo danteenoo Dowga toosan ii raac حبيبتي أنوثتك لا حدود لها، من رأسك حتى أسفل قدميك، فكل جزء فيك له حقه من الدلال، فاسمح لي بأن أدللك قاتلتي. أعـشق تلك اللحظة عندما تتسلل مـلامحك فـي ذاكرتي فـابتسم لا إراديا. حبيبتي يا أجمل نساء الأرض، بماذا أصفك، بماذا أشرح إحساسي نحوك، وأنت من تغلغل حنانك في أوردتي، وتسربت نسمات هواك في شراييني، بماذا أصفك وكل الحزن يتبدد بين راحتيك، يا من ترسمين بابتسامتك الفرح لقلبي وتنشرين عبيرك زهوا