Dheeg
@modelboy13249
1.2K
friends
Fanku wn is jecelnahay🎻 Ali diiriye (cali gaab) & Seynab xaji c.baxsan@ Erayadii abwan sangub 1964. Wiil>> luuqdii 1aad +++ Sidaad tahay cadceed subax Ama sagal arooryaad Waad suurad wacantee, Maan arag suleekhaay Sheekadan sidee tahay Qurux kaama sidatee! Sabannadaan ma'ay dhalan Haddaan uurka lagu sidin Inan kaa sarreeysee!! Saynabeey waxaad tahay Salaada iyo faralkii Midaan ugu sahwiyayee! Salaan nabadgalyo lahoo Sacabbada ku wado Ayaan kuu sidaayee! Ama saydhi khadarkaa Ama sidaa ku qaado? Gabadh>> luuqdii2aad +++ Danta seeto weeyoo Ninna kama siqaayoo Sababtaa ma dhaaftide, Waan ku soo salaamiyo Sidee tahayda guudnimo Cudur kaama saartee📈 Silic laguma waaroo Waa saadambiyo shalay Saredada aduunyadu Saacad kala wareegtee Saadkiyo ishaartii Lay siiyay xalay baa Suurtoobin weliyee Si'ay noqon allaa oge Samir aan lahaanoo! Wiil>> luuqdkii 3aad ++++ Waad i sahayatoo Kaa seexan waayee Dhowr saniyo go'go'e Cirka sare u eegoo Soo jeed ku waaroo Ku safaaday noloshee Ilaa lagu su'aaloo Kagu seego aakhiro Waan kula socdaayee Kuma saamaxaayoo Jeer suur dhawaaqoo Nasiibkaba aan gaarnee! Salaan nabadgalyo lahoo Sacabbada ku wado Ayaan kuu sidaayee! Ama saydhi khadarkaa Ama sidaa ku qaado? Gabar>> luuqdii 4aad ++++ Sacna waysha uu dhalo Sanka kalama rooroo Sidig kama jeclaadee, Sidaasan ka dhigannaho Isa suran waxaa nahay Sokeyoo walaalaa. Sanadkeynu joogna Sideed guuro weeye Sodon tahay bishiisuye, Seddex weeye ururtii Iyo tiro sagaaloo Suuryo fariistee Saadkiyo i shaartii Laysiiyay xalay baa Suurtoobi waydee, Si'ay noqon allaa oge Samir aan lahaanoo! Wiil>> luuqdii 5aad ++ Inaan kuu silloonahay Sirteydii ogaatoo Caad kaama saarnee! Sanadaba waxaan ahay Nin jaceyl ku saratagay Seedaha jirkiiisee!!!! Sambabadaa iqalanoo Wadnaha i saranoo Dhiiga seyrinaayee! Gabadh>>luuqdii 6aas ++++ Sinjigeeda diidiyo Hayga dhigin sagsaag iyo Soomaalida ka roortee! Arrin iga sargaxan baan Aanu sahmiyayoo Weli kama sal gaadhine. Inan saafi kuu ahay Aanan sir iyo xeel wadan Rabbi baa sarreeyee Jeer xumaha iyo samaha Kala sad qaadaan isug baan Ku leeyahaye Saad iyo i shaartii Laysiiyay xalay baa Suurtoobi waydee, Si'ay noqon allaa oge Samir aan lahaanoo! Zeynab cige Qabrigii jacayl koow♥️ quraanka kumariyee📖 hakaqabanin oofte🥹 uqor mee dhexdaadoo. allahayow qiyaamaha intuu nabigu qorayee rabi qaato kaa yeel ♥️ Qaybtii iblayskiyo lagaa qari cadaab koo Qiima badan firdows iyo janadii qur qudhiyoo! :اللهم اني اسالك بحلالك عن حرامك وأغني بفضلك عمن سواك 🤲.