Clubhouse logo

CA$H Machine

@ibnukoosare

896

friends

✎Kolkii gaaladii boobaha ahayd baladka soo gaadhay ✎Greek iyo kolkii Bortaqiis la isku baahaystey ✎Bada saylac bay aheyd bartii laysku baacsaday ✎Boqolaal bada eegayay baa baala weeraray ✎Saylac Samaroon buu ahaa ninkii Seef ku maamulay ✎Sedex boqol sagaal gaal baa la dilay saacadii qudha e ✎Kolkuu Cali Dabloow na hambis yidhi gaalkii cabanayay ✎Waar ma cirkaad joogtay carada laguguma sheegaynee ✎Hadaad baladka leedahay maxaad baal u qaban wayday ✎Hadaad baladka leedahay maxaan kugu baran waayay ✎Tariikhda buugyada maxad baal u gali wayday ✎Xarbi kuma dhamaan dagaal rag isku haystaye ✎Xabashida markuu damac ka galay dirifyada saylac ✎Iyagoo dameeraha rartoo daafi dabaneysa ✎Oo dag islahayd saylac iyo badaha daantooda ✎Ahmed Guray dagalkuu la galay Goondhar buu tagay ✎Shen kun baa shihiidkii dhintay iyo waliba sheeg sheeg ✎Intaas oo marxaladood markuu rag isla soo meeray ✎Bahalyahow buraqaan soo baxdiyo baaqi baad tahay ✎Marba buurhihii baad fadhiday bur iyo caareey e ✎Hadaad baladka leedahay maxaad baal u qaban wayday ✎Waxba yuun gabaygu ila durkhinee waxaan ku soo duubay ✎Tabintaada markaan arkay iyo tamar adoo liita ✎Turxaanba gabayga umaan yeelinoo waanba kuu tudhay . Abwaan Dhaganab Abwaan: 𝗢𝗠𝗔𝗥 𝗔𝗪 𝗝𝗔𝗠𝗔𝗖 🔹Lo’o baa Toban Dhararood Qada Jaga Jareerade Oo Hadana Haraad Tabanen Taa Aqbali Maayo 🔹Adhibaa Bankii Tuuyo Dhigey Oon Laamo Lagu Tidhin Oo Hadana Dhurwaa Tabanen Taa Aqbali Maayo 🔹𓃬Libaax Baa Rasaas Lagu Tirshoo Turuqa Jiidheysey Oo Hadana Ninkii Tabaneyn Taa Aqbali Maayo 🔹Garibaa Intuu Jaarso Tiro Kuna Dul Tiqtiqsan Oo Odeygu Reeraha Utalin Taa Aqbali Maayo 🔹Jidhwaq Baa Xornimo Tiigsan Oo Taabi Nolashoda Oo Xabashi Hoostoda Katagi Taa Aqbali Maayo 🔹GADABUURSI Baa Tiirloo Dacadnimo Taagan Ooy Duniduna Haatan Utaqan Taa Aqbali Maayo 🔹Reer Sheikh Isaxaaq Waxay Tabanayeen Hadey Taban Gacantodu Ineey Calanka Tuur Tuur Kadeyn Taa Aqbali Maayo 🔹Ogadeniyaa Samatashiyo Talasanoo Khayr Leh Oo Labada Tuurood Cuneyn Taa Aqbali Maayo Basasnimo 🔹Tariikhda Dunidiyo Intuu Taranku Soo Jogey Majeerteniya Xumo Katagi Taa Aqbali Maayo 🔹Hawiyaa Wuxuu Tabar Lahaa Tuur Iskugu Geeyay Oo Qaranka Kaligii Utalin Taa Aqbali Maayo 🔹Ciisa Wixii Lagu Turqiyo Talo Qabiil Deyni Oo Tiigsan Somali Weyn Taa Aqbali Maayo 🔹Toban Sano Ninkan Wada Jirney Ee Edey Taladisa Haduu Tunka Igu Sido Janada Taa Aqbali Maayo