Clubhouse logo

Ugaas Calanside

@calanside21

1.2K

friends

… Tartiib laguma karo duul hadduu tiif u yuurure e ... Tusbax baa la qaataa haddaad toobad keen tahaye Tiixaba waxaa lagu sugaa roobka tooxda lehe Tooruhu wuxuu kugu ridaa tubaha waaweyne Way taajiraayaan dadkii tacab badnaadaaye Talaabada yar baa lagu bartaa tawda boodada e War toosoo kacaay Xabashi waa lagatamaynaaye Talo san iyo beel ayatiin loo jitaabinayo Tastuur iyo waxaa lagu dhaqaa marinka toosoone Qofba waa in lagu toosiyaa takhasuskiisiiye Ku qabiil tikhraar ugu jiraan lagu tanaadayne Tafwareemadkii iyo kufsigu ina tahluukeeye Tartan madaxnimaan eednay iyo maamul tuugo ahe Khasaaruuna tiinbaday raggii taakulee yidhiye Kolkaasaan tacliintiyo cilmiga lagu tanaadayne Tu kaleeto oon uga tagaan idin tusaayaaye Tiilaal habad ah waa taan noqdoo la iska tuugsado e War tood laga samriyo haatanaan toojo soo bixiye … Isla taasintiina wada oo hoos u tamashleeya Kolba teembo joogsada haddana taako socodsiiya Si’aad taashka Xayle u ridaan ugu tartiibeeya Tabca sudha tumaatina la dhaca oo tafaha xayta Oo Xabashi baa ina toshee tuulimada siiba Oo toosoo kacaay nolosha waa lagu tanaadaaye Su’aal meel idiin taagan baa tan ahe Jawaabteedi oo togan haddaad garato soo tuura Turqin iyo nin taxaliishi iyo boogo lala taaho Tawi iyo tuf dhiigroora iyo barar la tiiftiifo Wax tirtir iyo tuutuujin baad kula tacaashaaye Kob la taabto ama lays tusaad tab u dawaysaaye Sidee loo tadaawali karaa tows cagliga haysta? Kuguma aanan tiiqtiiqsan oo waaban kuu turaye Meeshay ku toosnayd macnaha ugu tantoomeeya Haddii kale waan kala tagnaye aniga hay tooyan …… Snap@ Hormud