Clubhouse logo

Abuu Abuu

@abuu02

724

friends

🇸🇴Somali🇸🇴 ⛺️ 🇺🇸🇺🇸 🇺🇸. 📚🏡 ❣️🐎🐎🐎🐴🐎⛺️👌.Jawaab 2: Magacyada xayawaanka ee suuradaha quraanka ku jiro waxaa ka mid ah Al-Baqara (Saca) An-Naxal (Shinnida) An-Namal (Quraanjada) Al-Cankabuut (Caarada) Al-Fiil (MAroodiga). Waxan weliba ku deri karnaa Al-Ancaam (Xoolaha). Su’aal 3: Sheeg Nabigii laga soo saaray waddan afrikaan ah. Jawaab 3: Nabi Muuse (cs) waxana laga soo saaray Masar. Su’aal 4: Waxaad sheegtaan Nabiga markuu ka soo hijrooday Makka ee uu Madiina imaaday saxaabiga uu ku deggay magaciisa? Jawaab 4: Hijradii Nabiga (scw) ee Madiina wuxuu Nabigu (scw) ku degay guriga Abuu-Ayuub (Khaalid ibnu Zayd) Al-Ansaari oo ahaa reer Banii Najjaar . Su’aal 5: Markuu Makka furtay Suubbanuhu Rasuulka (scw) wuxuu ciidamo u kala diray asnaamtii waaweynayd ee la caabudi jiray, siiba kuwii uu Qur’aanku sheegay ee Laata, Cuza iyo Manaat oo ugu caansanaa Jaziiradda Carabta. Cuza oo ahaa sanamkii ugu weynaa ee Quraysh oo dhami ay caabudi jirtay, wuxuu Suubbanuhu Sallallaahu calayhi wasallam u diray Khaalid ibnu Waliid (RC) oo wata 30 nin oo fardoolay ah, wuxuuna amray inuu soo dumiyo, waxaana maamulka Cuza hayay reer banii Shaybaan.Sidoo kale sanamkii Suwaac la oran jiray oo yaallay meeshii la oran jiray Barhaad oo saddex mayl u jirtay Makka, ayna caabbudi jireen reer Hudayl, wuxuu Suubbanuhu Sallallaahu calayhi wasallam u diray ciidan uu hoggaaminayo Camr ibnu Caas (RC). Sidoo kale sanamkii la oran jiray Manaat oo ay caabudi jireen qabiillada Aws, Khazraj, Qasaan iyo dad kaleba wuxuu Suubbanuhu Sallallaahu calayhi wasallam u diray 20 nin oo fardoolay ah oo uu madax u yahay Sacad ibnu Zayd Al-Ashhali. Su’aal 6: Saxaabigii keenay fikradii ahayd in god laqoto dagaalkii Axzaab Jawaab 6: Wuxuu ahaa Salmaan al-Faarisi Suaal 7: Aayaddii waxay Qur’aanka kusoo aroortay laba jeer, Jawaab 7: Waa Surat al-Xijri iyo Surat al-Dariyad. Su’aal 8: Waxaad sheegtaa ninkii u baxay inuu Nebiga (csw) soo dilo Jawaab 8: Wuxuu ahaa Cumeyr binu Wahab, oo wiilkiisii oo dagaalkii Bedel lagu qafaashay nin soo deynaa iska dhigaayey. Ninkii kafaalo qaaday caruurtiisa Cumeyr deyntiina lagu lahaana yiri anaa bixinaa waa (Safwaan binu Umayah), go’aankaasna waxay ku qaateen iyagoo ag fadhiyay (Xijri Ismaaciil) oo ka tirsan kacbada Sharafta badan.⛺️